Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta shir guddoomiyey kulan golahiisa wasiirada ku yeesheen magaalada Baydhabo, waxaana kulankaasi looga hadlayey arrimo ku aadan amniga iyo abaaraha ka jira deegaannada maamulka K/galbeed.
Kulankan oo saacado qaatey ayaa markii uu soo gabgaboobay waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka warfaafinta maamulka K/galbeed Xasan Cabdi Maxamed, waxaana uu sharaxaad ka bixiyey waxyaabihii laga wada hadlay.
Waxa uu sheegay wasiirka in ugu horreyn ammaan loo jeediyey dhammaan saraakiisha iyo ciidamada ammaanka K/galbeed oo uu sheegay iney qabteen shaqooyin muhiim ah si amniga loo sugo, waxaana uu sheegay in wasiirada isla garteen in la abaalmariyo saraakiisha.




From the comments