Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay falkii kufsiga iyo jirdilka isku jiray ee Galdogob loogu geeystay gabdho Soomaaliyeed.
“Aad iyo aad ayey ii xanuun jisay falkii kufsiga iyo jirdilka ahaa ee ka dhacay Goldogob. Waxaan ku dhiirra-gelinayaa Dowlad Gobolleedka Puntland in sharciga la marsiiyo kuwii ka dambeeyey kufsiga gabadhaas.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa la hadlay culumaa’udiinka iyo Isimada Puntland ee uu la wadaagay mowqifka Dowladda Federaalka ee falkaasi xanuunka badan. Dowladda Federaalka Soomaaliya dulqaad uma laha kufsiga iyo cabsi gelinta dumarka oo ah sharafta ummadda Soomaaliyeed.




From the comments