Majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo shalay lagu xiray magaalada Haargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa in laga soo musaafuriyo magaaladaasi.
Xariggan sababta ka dambeysa ayaa warar maamulka ka agdhaw ay sheegayaan in Majaajiliistuhu uu si sharci darro ah ku galay Somaliland, wariyana uu yahay, qofkasta oo wariye shisheeye ahna uu marka hore ay tahay in codsi gaar ah uu dirsado si loo ogolaado ama loo diido dalabkiisa, waxayna wararku intaa raacinayaan in la doonayo in dib loogu soo celiyo Muqdisho, waana sida ay qoreyso saxaafadda qaar oo xiriir la sameeyay xubno ka tirsan maamulka.
Halka ay wararka qaarna sheegayaan in Majaajiliistuhu uu halkaa taransid ku ahaa, una socday magaalada Jigjiga ee Soomaali galbeed, laakiin aan la garaneyn sababta ka dambeysa xabsigiisa.




From the comments