Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda federaalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Daahiye iyo Ruugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah dhowaan waxay la yeesheen Mas’ulyiin ka socday Wasaaradda Ganacsiga ee Turkiga .
Xogayaha Guud ee Wasaardda Gancsiga Soomaliya Abuukar Max’ed Ayaa Goobjoog News u sheegay in heshiis la xiriira ganacsiga ay la galeen wadanka Turkiga waxa uuna yiri “Wafdi annagoo ah ayaa magaalada Muqdisho ka baxnay annagoo casuumaad ka helnay xogyaha joogtada ah ee wasaaradda ganacsiga iyo canshuuraha dalka Turkiga, wafdigeenna waxaan gaarnay magaalo madaxda Turkiga Ankara annagoo sii marnay Istanbul”
Xogyaha ayaa sheegay in ay la kulmeen ku xigeenka xogyaha joogtada ah ee wasaaradda ganacsiga iyo canshuuraha dalka Turkiga ayna kawada hadleen sidii loo horumarin lahaa arrimaha la xiriira ganacsiga Soomaaliya sidoo kale waxay ugu baaqeen inuu Turkiga ay maalgashadaan Soomaaliya.




From the comments