Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan uga socdo xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa halkaa lagu dhaariyay 3 xubnood oo si rasmi ah uga mid noqday Golaha.
Kulankan oo ahaa kalfadhiggii 1 kulankiisii 4-aad ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyha ku meel gaarka h ee Maxamed Xuseen Raage, waxaana ka soo qeybgalay 42 xildhibaan oo ay ku jiraan kuwii maanta la dhaariyay.
Ajandaha xubnaha horyaalla waxaa ugu muhiimsanaa , khudbad jeedinta xildhibaannada u sharraxan guddoonka, kahor inta aan khudbad jeedinta la gelin ayaa waxaa halkaa lagu dhaariyay saddex xubnood oo si rasmi ah uga mid noqday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.




From the comments