2 Musharrax oo U Gudbay Wareegga 3-aad ee Guddoomiyaha Labaad ee Golaha Aqalka Sare
Sheeko:Dalka

Xildhibaan C/kaafi Macallin Xasan iyo Xildhibaan Mowliid Xuseen Guhaad ayaa iskugu soo haray wareegga Saddexaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare.
Doorashadan oo wareeggii 2-aad ay iskugu soo hareen 4 xildhibaan ayaa cododkii loo kala helay sidan:
Xil.Hodan Maxamed Cusmaan: 8 cod.
Xil. Fartuun Cabduqaadir Faarax: 8 cod.
Xil. Abdikafi Macallin Xasan: 16 cod.
Xil. Mowliid Xuseen Guhad: 20 cod.
Sidaas darteed waxaa loo gudbay wareegga 3-aad oo ay u soo gudbeen Labo xildhibaan ee ugu dhibcaha sarreeya oo kala ah; C/kaafi Macallin Xasan iyo Mowliid Xuseen Guhaad.
Waxaana hadda bilaabatay doorashada oo si aan kala go’ lahayn u socota.
Goobjoog News