Xidhibaan Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” ayaa noqday guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Doorashada hadda ka socota xarunta Aqalka Sare ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku guuleystay Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” oo noqday guddomiye ku-xigeenka Koowaad ee ugu horreeyay ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu ku guuleystay codod gaaraya 30 cod.
Abshir Bukhaari waxaa uu horey u ahaa guddoomiyaha Warbaahinta Goobjoog Media Group, waxaa uu sidoo kale soo noqdey agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya.




From the comments