Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku guuleystay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib markii uu doorashadii maanta uu helay cocod dhan 43 xildhibaan.
Doorashadan oo illaa hadda ka socota xarunta Aqalka Sare ayaa waxaa kasoo qeybgalay xidhibaanno gaaray illaa 52 xubnood, Cabdi Xaashi ayaa ku guuleystay 43 cod, halka Mustaf Maxamed Qodax oo la tartamayay uu helay 9 cod.
Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa noqonaya guddoomiyihii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.




From the comments