Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dab habeenkii xalay ahaa ka kacay suuqa degmada Dharkeenley ee loo yaqaano Suuq Boocle, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare hantiyadeed.
Dabkan ayaa ka kacy qeybta Hilibka iyo sidoo kale dhanka makiinadaha Cajiinka, waxaana dabka sahlay inuu faafo sida la sheegay dukaamo ka sameysan cooshado oo halkaasi ku yaallay.
Daminta dabkaan waxaa kaalin ka qaatey gaadiidka dabdamiska oo ay keeneen maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadda Hormuud.




From the comments