Yaxye Jaamac Oo Is Kaga Tagay Wadanka Gambia

Madaxweynihii hore ee dalka Gambia Yaxye Jaamac ayaa iskaga tagay wadanka ka dib markii uu aqbalay inuu xilka ku wareejiyo madaxweyne cusub ee dalkaasi Aadam Barre , Jama waxaa uu aadey wadanka Equatorial Guinea
Yaxye Jaamac ayaa waxa uu soo xukumaayay wadanka Gambia ku dhawaad 22 sano, waxaana looga adkaaday doorashooyinkii madaxtinimo ee ka dhacay dalkaasi bishii December balse Yaxye Jaamac aya waxa uu ku tilmaamay doorashooyinkaas kuwa waxba ka majiraan ah .
Madaxweynaha cusub ee Gambia Aadam Barre ayaa waxa uu sheegay in uu dhisi doono guddi xaqiiqo raadin ah kuwaas oo baari doono kutumashada ka dhan ah xaquuqul insaanka muddii uu xilka hayay Madaxweynihii hore Gambia Yaxye Jaamac.
Aadam Barre oo ah madaxeynaha cusub ee Gambia ayaa waxa uu magangeylyo waydiistay dalka Senegal isagoo lagu soo dhaariyay safaaradda ay Gambia ay ku leedahy Senegal Khamiistii la soo dhaafay.
Ciidamo badan oo ka tirsan dowadaha Galbeedka Afrika oo ay ka mid tahy Senegal ayaa waxay galeen xaduudka wadanka Gambia iyagoo ku hanjabay inay si xoog ah ay xilka uga qaadayaan Yaxye Jaamac haddi uu diido inuu xilka ku wareejiyo madaxweynaha cusub ee Aadam Barre.
Yaxye ayaa Go’aansaday inuu xilka wareejiyo ka dib markii uu wadahadal uu la sameeyay labada madaxweyne ee dalalka Mauritania iyo Guinea.
Yaxye Jaamac iyo xaaskiisa ayaa waxay u ambabaxeen wadanka Gambia iyagoo safarkooda uu ku wehliyo madaxweynaha dalka Guinea waxaana qaaday diyaarad gaar ah oo ka duushay Garoonka Banjul ee wadaka Gambia.
Madaxweynihii hore Gambia Yaxye Jaamac oo inta uusan duulin la hadlay mid ka mida Telefeshinada gudaha ayaa waxa uu yiri “Waan wareejinaa xilka maaxaa yeelay madoonaayi in dhibic dhiig ah uu ku daato wadankgeyga”.
Yaxye waxaa sagootiyay saaxiibadiisa oo garoonka geeyay isagoo Kitaabka Qur’aanka gacanta ku wata .
Yaxye Jaamac waxaa lagu tiriyaa madaxweynihii ugu horreyay Gambia oo si nabad gelyo ah xilka ku wareejiyo tan iyo markii xornimada ay ka qaadatay Gambia Gumeystihii Britain sanadkii 1965 kii.
Goobjoog News