Dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya sida wadamada deeq bixiyeyaasha ah, dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo ururada dowliga ah ee ay Soomaaliya xubinta ka tahay waxaa ay soo dhaweeyeen doorashada guddoonka aqalka sare.
Wadamadan oo war saxaafadeed wadajir ah soo saarey waxaa ka mid ahaa The United Nations, African Union, European Union, Inter-Governmental Authority on Development, Ethiopia, Italy, Sweden, the United Kingdom iyo the United States, iyagoo sidoo kale amaaney doorashada dhismaha gudoonka labada aqal, kuna dhiirigeliyay dhameystirta hannaanka doorashada dadban.
Arrintan ayaa timid kadib markii axaddii la dootey guddoobka aqalka sare, Cabdi Xaashi, guddoomiye, Abshir Bukhaari guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo Mowliid Xuseen guddoomiye ku-xigeenka 2aad.




From the comments