Goobjoog

Cabdi Xaashi Cabdulahi

Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ay guddoomiye u doorteen Cabdi Xaashi Cabdulahi, Xaashi waxaa uu horey uga tirsanaa baarlamaanka 9aad, isagoo madax ka ahaa guddiga warfaafinta. Cabdi Xaashi,…

Cabdi Xaashi Cabdulahi

Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ay guddoomiye u doorteen Cabdi Xaashi Cabdulahi, Xaashi waxaa uu horey uga tirsanaa baarlamaanka 9aad, isagoo madax ka ahaa guddiga warfaafinta.

Cabdi Xaashi, waaa nin da’a ah oo muddo 4 sano ah ku jirey siyaasadda, Xildhibaan iyo wasiir intaba waa uu noqdey, hadda waxaa uu 4-ta sano ee soo socota ahaan doonaa afhayeenka aqlka sare ee Soomaaliya.

Hadaba Halkan Hoose Ka Akhriso, Taariikhda Cabdi Xaashi:

Cabdi Xaashi, waxaa uu ku dhashay Baabiley , Itoobiya sanadkii 1946-dii

Waxbarasho:

1964-1968: Dugsi sare, Madahania-Alam, Harar

1975-1977: Kuliyadda siyaasadd, Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Muqdisho

1980-1981: Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho

1985-1990: Kuliyadda Dhaqaalaha, Jaamacadda Umadda, Muqdisho

Shaqo:

1972-1974: Macalin Ceel Jaalle

1974-1975: Qasnajiga guud ee Wakaaladda ONAT, Muqdisho.

1977-1979: Xogheyaha xarumaha waxbasrashada UDHKS

1979-1980: Kaaliyaha 1aad ee gobolka Waqooyi beri, Hargeisa.

1979-1980: Guddoomiyaha degmada Marka

1981-1990: Maareeyaha guud ee golaha murtida iyo madadaalada ama Theater-ka

1979-1990: xubin golaha shacabka Soomaaliyeed.

1991-1992: Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.

1992-1996: Agaasimaha Maareynta ee Hey’adda Afri-Action.

1997-2004: Agaasmiha Maareynta Tubta Nabadda.

2004-2009: Xubin Baanrlamaan.

2005-2007: Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka.

2008-2009: Wasiirka Caafimaadka

2012-2016: Xubin Baarlamaanka, iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabka.

 October 22, 2017: Waxaa loo doortey guddoomiyaha aqalka sare ee federaalka Soomaaliya

Goobjoog News

 

 

 

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments