Hantidhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa ka digey in la hibeeyo ama dad laga iibiyo hantida guud ee Qaranka, isaga oo sheegay in il gaar ah ay ku hayaan in arrintaasi ay dhacdo.
Dr. Nuur ayaa sheegay iney ka digayaan in madaxda dowladda in dhulka hantida Qaranka ah laga saaro dantii guud misane siyaasad loo isticmaalo waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Annagu waxaan ilaalinnaa hantida Guurtada iyo midda ma guurtada ah ee dowladda, waxaana ku ilaalinaa nidaam, nidaamkaasina waxa weeye inaan waxa hanti ah ee la kireynayo ama qof la siinayo inaan dadna lasiin karin, loo hibeyn karin lagana iibin karin, hantida dowladda lama hibeyn karo lama kireyn karo, waxaan ka digeynaa madaxda in dhulka hantida qaran ah ee dhahaya waxaa laga saarey dantii guud oo siyaasad loo istcimaalayo, taana waan ka digeynaa oo dad gaar ah gooni loo siinayo, waxaan umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in annaga karaankayaga ah iyo dadaalkeena ah aan ilaalinno hantida qaranka”




From the comments