Warar dheeraad ah ayaa la helayaa qarax Miino oo maanta ka dhacay degmada Buurhakada ee gobolka Baay, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Qaraxan ayaa ahaa sida la sheegay Miino nooca dhulka lagu aaso oo ka qaraxday xarun ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku lahaayeen degmadaasi.
Inta La xaqiijiyey Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku geeriyootey, Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay inoo sheegeen Goob Joogayaal halkaasi ka dhowaa.




From the comments