Dhakhaatiirka Isbitaalka magaalada Baladweyn ayaa sheegey in Isbitaalka aan wax looga qaban Karin hooyo Soomaaliyeed oo ka badbaadey kufsi balse lala dhacey ilaa 8 Toorey ah.
Hooyadan oo Isbitaalka la dhigey 19-kii bishan waxaa la sheegayaa in lagu waxyeeleeyay miyiga magaalada Baladweyn kadib markii nin damiir laawe ahi uu meel cidlo ah ku helay iyadoo shaqo ku jirta isla markaana uu ku boodey, dhulka dhigey, isku dayey in uu kufsado markii ay iska celisana uu tooreynna caloosha ka la dhacey.
Maamada oo aad u liidata waxaa ay Weriyaha Goobjoog News ee Baladweyn u sheegtey in aan la kufsan oo ay ninka la tacaashey balse uu Caloosha Toorey ka geliyay.




From the comments