Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab uu ka soconayo deegaan Lagu magacaabo Dhiil oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Xudur ee gobolkaasi.
Ciidamada dowladda Federaalka ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, welina lama oga khasaaraha guud ee halkaasi ka dhashay, dagaalka oo weli socda awgeed.
Deegaanka dagaalkan uu ka socdo ayeey saraakiisha hoggaaminaya ciidanka dowladda waxay ku sheegeen inuu ahaa deegaan inta badan weerarada ay kasoo qaadi jireen Al-shabaab.




From the comments