Madaxweyne Erdogan Oo Safarro Kumarya Qaar Kamida Waddamada Afrika

Madaxweynaha dalka Turkiga Receb Dayib Erdogan ayaa waxa uu sheegay in waddankiisa uu ku bixinaayo dadaalo dheeri ah si ay unoqoto qaaradda Afrika u noqoto codka ka qeybgalayaasha bandhigyada caalamiga ah ee kala duwan iyo inuu kordho haykalka qaaradanimo ay leedahay.
Hadalkan ayuu jeediyay Erdogan isagoo la hadlayey ganacsato ka qaybgalaysay madashada bandhiga ganacstada Turkiga oo ka dhacday waddanka Tanzania , kulanka waxaa soo qaban-qaabiyay bankiga dhexe ee dowladda Tanzania taasoo lagu qabtay magaalada Daru salaam ee caasimadda waddankaasi, madashan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo kormeerayay ururka golaha xariirka ganacsiga uqaabilsan Turkiga arrimaha dibadda.
Madaxweyne Erdogan ayaa waxa uu tilamaamay in awoodda ganacsi ee ka dhaxeysa Turkiga iyo wadamadda Afrika ay kor u dhaafaysa 740 Malyan oo dolarka Maraykanka ah laga soo bilaabo sanadkii 2000 haddana uu gaarayo 6 bilyan oo dollar.
Madaxweyna waxa uu intaas u daray isga oo hadlay “ Kordhinta maalgashiga waa mid kamida waxyaabaha ugu wanaagsan oo lagula dagaalamo shaqo la’aanta taasoo kaalinta koowaad ay kaga jirto dhibaatooyinka soo wajaha dhamaan waddamada qaaradda Afrika “.
Madaxweynaha Turkiga ayaa waxa uu sidoo kale xusay in ammaanka iyo xasiloonida ay tahay labo cunsur oo ka qaybqaadata in wadanka uu hormaro warshadihiisa iyo ganacsigiisa isagoo ku tilmaamay waddanka Tanzania inay haystaan labadaan cunsur oo aas aasiga u ah horumaka waxa uuna yiri” Tanzania oo lagu tiriyo waddamada ku yaallo bariga Afrika waxa ay haystaa labadaan cunsunr oo ah xasilooni siyaasadeed iyo mid ammi taasoo dunida ku riixaysa inay maalgashadaa Tanzania”.
Heshiisyada ay galeen labada waddan ayaa waxaa ka mida in muhiimad gooni ah la siiyo xariirka saaxibtinimo oo ka dhaxeeya labada waddan kaasoo u sii horseedaya inuu hormaro xariirkooda.
Xariirka ka dhaxeeya Turkiga iyo Tanzania ayaa waxa uu ku bilowday si dagan oo hormarsan ka dib markii uu Turkiga uu ka furtay Tanzania sanadkii 2009 caasimadda Darusalaam safaaradiisa iyadoo la filaayo in Tanzanaia iyadana ay ka furto magaalada Anqara safaaraddeeda taas oo sii xoojinayso xarirrka diplomaasiyadeed ee labada waddan dowladda Tanzaina ayaa waxay tahay dowlad hodon ku ah kaydadka shidaalka iyo macdanta.
Erdogan ayaa qaar kamida waddamada qaaradda Afrika waxa uu ku maryaa socdaal isagoo ka bilaabay wadmadda Tanzania, Mozambique,Madacgascar.
Safarka madaxweynaha oo socon doono ilaa 26 bisha Janaayo ayaa waxaa ku wehliya xaaskiisa iyo wasiirka dibadda turkiga wasiirka ganacsiga iyo ganacsato u dhalat Turkiga
Goobjoog News