U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Oo Guddoon Doortey

Sheeko:Dalka

Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen guddiga doorashada madaxweynaha ayeey ku doorteen guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Waxa ay guddoomiye u doorteen C/raxmaan Ducaale Bayle oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka, halka ku xigeen ay u doorteen C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan xildhibaannada aqalka sare.

Sidoo kale guddigan ayaa sameystay Labo guddi hoosaad oo kala ah, guddiga maaliyadda, Lojistikada iyo Amniga oo madax looga dhigey Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi iyo guddiga diiwaangelinta musharraxiinta madaxweynaha oo guddoomiye looga dhigey xildhibaan Cismaan Xaaji Cali.

Waxaa la filayaa in guddigan ay shaaciyaan jadwalka doorasho ee madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News