Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay gobolka Bakool.
In ka badan 10 qof oo 4 kamid ah yihiin dad shacab ah ayaa ku geeriyoodey dagaalkan oo ka dhacay Tuulada lagu magacaabo Dhiil oo ku dhow degmada Xudur, waxaana dagaalka uu ahaa mid socday xalay illaa shalay.
Maxamed Macallin Axmed, guddoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku adkaadeen ciidamada dowladda, isaga oo sheegay iney dileen 3 kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab, Afar kalena ay ka dhaawaceen waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments