Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay Hoteelka Dayax ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.
Qaraxan ayaa waxaa xigey dabley hubeysan oo la sheegay in gudaha ay u galeen Hoteelkaasi, iyadoo halkaasi ay ka socoto rasaas.
Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan, hase ahaatee ciidamada dowladda oo gaarey goobta iyo sidoo kale kuwa dableyda weerartay hotelkan ayaa rasaas is weydaarsanaya.




From the comments