Qarax Labaad Oo Ka Dhacay Hoteel Dayax Ee Muqdisho
Sheeko:Dalka

Qarax Labaad oo aad u xooggan ayaa laga maqlay Hoteelka Dayax oo saaran wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.
Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News oo halkaasi ka dhow waxay soo sheegayaan in qaraxan uu yahay gaari kale oo halkaasi yaallay, iyadoo weerarka Hoteel Dayax uu khasaare ka dhashay.
Waxay wariyeyaasheena sidoo kale soo sheegayaan in ay arkeen dhaawaca 10 qof oo shacab u badan, iyadoo khasaaraha intaasi uuy ka badan karo.
Dabley hubeysan ayaa ka dhex dagaallamaya gudaha Hoteel Dayax, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamada dowladda Federaalka.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News