Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay wareegto lagu fulinayo dhisamaha derbiga ku teedsan xuduudka uu Maraykanka uu Koonfurta kula wadaago wadanka Mexico, kaas oo uu horay u balanqaaday inuu dhisayo xilligii uu olalaha doorashada uu ku jiray, Trump ayaa waxa uu xusay in hawsha lagu dhisayo darbiga ay bilaaban doonto bisha soo socta.
Darbiga laga dhisayo xaduudka kala qeybiya Maraykanka iyo Mexico ayaa waxa uu dhirirsanyahy maasaafo dhan 2000 Mayl waana mid kamida balan qaadyadii Asaasiga ahaa inta uu ku jiray olalihiisa doorashada.
Madaxweyne Trump ayaa horay waxa uu u sheegay lacagta ku baxaysa dhisidda darbiga taas oo gaaraysa ku dhawaad 8 bilyan, waxaana lagu wadaa in Trump uu la kulmo madaxweynaha dalka Mexico dhammaadka bisha soo socoto .




From the comments