Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Camey ayaa sheegay in cadaaladda ay horgeyn doonaan dhallinyaradii Kufsiga ka geystay degmada Goldogob ee gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay Mr. Camey in arrinta dadka oo idil damqisey ay tahay in markii gabdhahaasi la kufsaday ay dhallinyarada muuqaallo ay kasoo duubeen hadana ay ku baahiyeen baraha bulshada.
“Waxaan marka ugu horreysay tacsi u dirayaa qoysaskii iyo shaqsiyaadkii ay arrintaan ku dhacday, kufsigii Goldogob ka dhacay adduun weynaha ayuu gilgiley, sababtaasi waxay tahay in baraha bulshada la geliyey markii ay falkaan foosha xun sameeyeen, sidaasi darteed waxaan idiin sheegayaa in cadaaladda la horkeeni doono dadka falkaan kufsiga ah ku dhaqaaqay, sidoo kalena cid walbo oo arrintaan damacdana waxaan u sheegeynaa in ciqaab ay muteysan doonto” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.




From the comments