Ciidamada Al-shabaab ayaa saakay aroortii waxa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka ka dhacay Kulbiyow ayaa ahaa mid aad u cuslaa, waxaana la ogeyn khasaraha ka dhashay dagaalkaasi, iyadoo wararka soo baxayana ay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaankaasi.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugan deegaanka Kulbiyo ayaa inoo sheegay in xeradan oo bannaanka uga taal deegaankaasi uu dagaalka ka socdo.




From the comments