Diplomasi Soomaaliyeed ayaa sheegay in beesha caalamka ay aqoonsiga kala laaban karto dowladda federaalka haddii doorashada madaxweynaha ay musuq ku dhacdo.
Diplomasi Maxamed Maxamuud ayaa Goobjoog News u sheegay in warbixinta dhowaan la soo saaray ee lagu sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay wadamada ugu horreeya musuqa iyo laaluushka xilalka lagu helo ay wax ka jiraan.
“Waxaad mooddaa in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed baarlamaanka la soo doortay in farta ay ku wada fiiqayaan oo baarlamaanka oo dhan lama oran karo musuq buu ku yimid, hase yeeshee 70 kursi baa cabsi laga qabaa, guddiga khilaafaadkuna 5 kursi ayay leeyihiin marka dowladdani waxay beesha caalamka u heysataa inay tahay dowlad ku soo caan baxday musuqmaasuq” ayuu yiri Diplomasi Maxamed Maxamuud.




From the comments