Goobjoog

Donald Trump oo Albaabada Mareykanka Ka Xirtay 7 Dal oo Ay Soomaaliya Ku Jirto

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa muddo 4 bilood ah hakiyay qaabilaadda qaxootigii uu qaabilayay dalkiisa, waxaana uu si kumeel gaar ah u joojiyay gabi ahaanba qaabilaadda qaxootiga 7 dal oo…

Donald Trump oo Albaabada Mareykanka Ka Xirtay 7 Dal oo Ay Soomaaliya Ku Jirto
ARLINGTON, VA – JANUARY 27: U.S. President Donald Trump signs executive orders in the Hall of Heroes at the Department of Defense on January 27, 2017 in Arlington, Virginia. Trump signed two orders calling for the “great rebuilding” of the nation’s military and the “extreme vetting” of visa seekers from terror-plagued countries. (Photo by Olivier Douliery-Pool/Getty Images)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa muddo 4 bilood ah hakiyay qaabilaadda qaxootigii uu qaabilayay dalkiisa, waxaana uu si kumeel gaar ah u joojiyay gabi ahaanba qaabilaadda qaxootiga 7 dal oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Guriga Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa xusay in dowladahan 7 ah ay kala yihiin, Iran, Suuriya, Ciraaq, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan iyo dalka Yemen oo muddo 90 cisho ah aan dal ku gal looga ogoleyn dalka Mareykanka.

Trump oo ka hadlayay sababta uu tallaabooyinkan u qaadayo ayaa yiri; “Tallaabooyinkan cusub waxaan u qaadnay ilaalinta shacabka Mareykanka weerarada dhanka argagixisada”, waxaanu sheegay in si gaar ah u eegi doonaan dadka masiixiyiinta Suuraya oo muhiimad gaar ah la siin doono.

Qodobada uu soo saaray waxaa ka mid ahaa .

  • In la joojoyo barnaamijka aqbalaadda qaxootiga muddo  120 maalmood ah.
  • In xayiraad la saaro xaqootiga ka imaanaya waddanka Syria, marka laga reebo dadka masiixiga ah oo si gaar ah loo eegayo.
  • In la joojiyo qaabilaadda dadka ka imaanaya waddamada Ciraaq,Syria iyo goobaha ay ka jiraan rabashadaha Muddo 90 maalin ah.
  • In la xadido dadka Mareykanka weydiisanaya magangelyada kuwaas oo ku dhisan caadaadisyada dhanka diinta ah iyo inuu qofka uu ka soo jeedo meelo laga tiro badan yahay .
  • In la jooiyo dadka Mareykanka ku galaya wareysi la’aanta kuwaas oo u fududeynaya iney helaan Visa, waxay hadda ka dib mari doono waraysiyo gaar ah.

Arrintan ayaa waxay saameynaysaa dadka haysta green Card-ka, ardayda, iyo dadka doonaya iney Mareykanka galaan si loogu soo daweeyo iyo kuwo kale, waana sida uu sheegayo Cabdi Ayuub oo ah maamulaha dhanka qaanuunka iyo siyaasadda ee guddiga jaaliyadda Carabta ee la dagaallanka cunsuriyadda, isagoo xusay waliba in arrintani ay dhibaato ku tahay dadkii ehelkooda u dacwoonayay ee ay u harsaneyd in loo qaado oo kaliya.

Donald Trump ayaa muddo 8 cisho ah soo saaray go’aanno farabadan oo ay ka mid yihiin joojinta heshiisyo ganacsi oo dalal kale ay la lahaayeen, amar uu ka soo saaray dhisidda derbiga laga taagayo xuduudda Maxico iyo ammarro kale oo dhaliyay doodo aad u farabadan laakiin kamid ahaa qodobadii uu ballanqaaday xilligii ol’olaha doorashada Mareykanka.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments