Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Cali, ayaa sheegay inay bilaabi doonaan canshuur ka qaadista Shirkadaha iyo Guryaha hadda ka dib.
Guddoomiye ku-xigeenka oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan uu si toos ah u bilaabi doono canshuuraha, walibana laga qaadi doono shirkadaha iyo Guryaha.
Waxa uu tilmaamay Xuseen Cismaan in aysan qaadi jirin markii hore canshuuraha balse ay hadda ku dhalatay inay lacagaha canshuuraha ay ka qaadi doonaan Shirkadaha iyo Guryaha .




From the comments