Urur Goboleedka IGAD ayaa ka hadlay weerarada ay Al-shabaab ka geystaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan qarraxyada oo waxyeello badan u geysta shacabka aan waxbo galabsan.
Qoraal kasoo baxay ururka IGAD ayaa ugu horreyn waxaa lagu cambaareeyey weerarkii Arbacadii Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Dayax ee Muqdisho, halkaasi oo ay ku nafwaayeen dad ka badan 10 riix halka 50 kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxaa lagu sheegay qoraalka IGAD in Al-shabaab ay mar walbo soo maleegaan hagardaamo ka dhan ah shacabka, sidaasi darteedna loo baahan yahay in looga hortago qatar walba si mideysan, waa sida qoraalka lagu yiriye.




From the comments