Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay sida ugu haboon ee loo maamuli karo qarashaadka loo uruuriyey dadka abaarta ku hayso gobollada dalka qaarkood.
Dadkaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa badi aragti ahaan dhiibtey in dadka lacagta aan kaliya raashiin loogu iibin ee sidoo kale loogu sameeyo wax soo saar, sida in xoolo loo iibiyo iyo in sidoo kale beero loo geliyo, biyo dhaanna loo sameeyo.
“Lacagtaan waxay ku haboon tahay in kaliya raashiin aan lagu iibin ee sidoo kale beero la geliyo, xoolo dadka loo iibiyo, dadka dhan walbo nolol ayeey u baahan yihiin, waana muhiim in dadka wixii loo tari karo loo sameeyo” sidaasi waxaa yiri qof kamid ah shacabka Muqdisho oo Goobjoog News la hadlay.




From the comments