Shirkadda Ant Financial oo ah garabka lacagaha ee Alibaba ayaa iibsaneysa Shirkadda Mareykan-ka ah ee MoneyGram. Heshiiskan ayaa ku kacaya lacag dhan 880 milyan oo dollar sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Shirkadda.
Shirkadda MoneyGram ayaa 350,000 oo xarun waxa ay ku leedahay 200 dal oo dunida ku yaala, waxaana macaamiil u ah shirkadaasi 630 milyan oo qof. Heshiiskan ayaa u baahan doona in uu ansixiyo gudiga mareykanka ee Maal-gashiga ajnabiga ah.
Eric Jing, oo ah madaxa shirkadda Ant financial, ayaa qoraal waxa uu ku sheegay heshiiska iibsiga ah ee dhacey in uu wax badan u soo kordhin doono macaamiisha shirkadda gaar ahaan kuwa ku nool dalalka Mareykanka, Shiinaha, Hindiya, Mexico iyo philipiness.




From the comments