Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Mahadaay ee gobolka shabeellada dhexe ayaa saaka kawada hawlgalo magaalada iyo deegaannada hoos yimaada.
Ciidamada ayaa hawlgalkaan waxay ku baadi goobayaan inay ku ogaadaan waxa dhaliyay qarax shalay ka dhacay magaalada Mahadaay kaasoo geestay dhaawaca in kabdan 7 qof.
Saalax fulaan Gudoomiye ku Xigeenka Arimaha Bulshada Maamulka Degmada Mahadaay ee gobolka shabellada dhexe ayaa waxa uu xaqiijiyay in saakay ay ciidamada Dowladda Soomaaliya hawlgallo ay kawadaan magaalada Mahadaay waxa uuna sheegay inay hawgallada ay siwanaagsan usocdaan .




From the comments