Maamulka Puntland ayaa sheegay in deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo ay soo buux dhaafiyeen dad badan oo tahriibayaal ah walibana u badan Itoobiyaan, kuwaasi oo doonaya iney ka tahriibaan deegaannada maamulkaasi.
Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi C/xakiin C/laahi Cumar Camey ayaa sheegay in ay ka war hayaan dadkaan, islaamrkaana maalin walbo soo galaya deegaannadooda, wuxuuna hoosta ka xariiqey ineysan awoodin daryeelkooda iyo la socodka xaaladooda caafimaad.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay iney la socdaan dad Soomaaliyeed oo iyaguna deegaannada Puntland u tagey iney ka dhoofaan, ama ka tahriibaan waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments