Kuri ka mid ah kuraastii Galmudug ee horey ay ulaaleen guddiga khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maanta doorasho ku clin ah loogu sameynayaa magaalada Muqdisho.
Kursigan ayaa la filayaa iney u tartamaan Cabduqaadir Maxamuud Gaafow, iyo musharraxiintii horey ula tartantay oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Maxamuud Guure, Zakariye maxamed Cosoble, C/qaadir Nuur Caraale oo iyagu markaa horeba ka tanaasuley doorashada.
Kursigan ayaa horey waxaa ugu soo baxay C/Qaadir Maxamuud Gaafow ayaa 17.Nov.2016 ku guuleystay doorasho ka dhacday Galmudug kadib markii ay u tanaasuleen Labo musharrax oo la tartameysay, waxaanuu heley xilligaas 48 cod oo uu ka helay ergadii 52 ahayd ee doorashada.




From the comments