Goobjoog

Maxkamadda ICJ Oo Maanta Ku Dhowaaqeysa Go’aanka Dacwadda Badda Ee Soomaaliya Iyo Kenya

Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, fadhigeeduna yahay magaalada Huge ee dalka Holland ayaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa iney ku dhawaaqdo go’aanka dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo…

Maxkamadda ICJ Oo Maanta Ku Dhowaaqeysa Go’aanka Dacwadda Badda Ee Soomaaliya Iyo Kenya
epa04605701 Judges (no names available) during the sworn-in as judge by the The International Court of Justice in the Peace Palace in The Hague, The Netherlands, 6 February 2015. The ICJ elected five new judges in November for a nine year term. EPA/REMKO DE WAAL

Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, fadhigeeduna yahay magaalada Huge ee dalka Holland ayaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa iney ku dhawaaqdo go’aanka dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Go’aanka laga sugayo maxkamadda ayaa ah in dacwada horey loo galayo iyo in aan la geli karin, haddii dacwadda loo galo horey waxaa si rasmi ah loo guda geli doonaa in la dhageysto doodaha iyo dacwadaha Labada dal ee milkiyadda dhulka lagu muran sanyahay.

ICJ ayaa haddii ay shaaciso in aysan dacwaddaasi qaadeyn ayaa waxaa Soomaaliya u furan iney sugto dhowr iyo Toban Sano ama in ay maxkamado kale ay la aaddo.

Soomaaliya ayaa dacwaddan geysay Maxkamadda ICJ, iyadoo kiiskan ay maxkamadu dhageystay bishii September 2016.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments