Magaalada Mugdisho ayaa waxaa laga dareemayaa sare u kac dhanka khudaarta ah iyadoo suuqyada lagu iibiyo noocyada kala duwan ee khudaarta laga dareemayo qiimo koror ku yimid waxaana loo sababaynaa wabiga Shabeelle oo biyo yareeyay iyo in la waayo biyo lagu waraabiyo dalagii ka soo bixi lahaa beeraha.
Qaar ka mid ah ganacsta ku iibisa magaalda Mugdisho qeybaha kala duwan ee khudaarta ayaa Goobjoog News waxa ay uga warbixiyeen qudaarta laga dareemaya sare u kac iyo iyagoo cabasho ka keeney sare u kac ballaaran iyo qiimo koror khudaarta ah.
Noocyada laga dareemaya sarakaca waxaa ka mid ah: Mooska oo isga horay loo iibin jiray Kiintaalkii lacag u dhaxeesay saddex boqol iyo konton ilaa iyo Afar boql oo Shilin Soomaali ah ,haddana waxa uu marayaa lacag dhan 600 oo Shilinka Soomalia.




From the comments