Qaramada Midoobay oo warbixin ka soo saatay xaaladda abaaraha Soomaaliya ayaa sheegtay in Lixdii bilood ee ugu dambeysay abaarahu ay gaareen meel halis ah.
Hay’adda dhanka beeraha u qaabisan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay inta badan dadka Soomaaliyeed ay saameysay abaarta, iyadoo 6 milyan oo qof ay gaajo la il daran yihiin.
Mas’uulka u qaabilsan FAO Soomaaliya oo la yiraahdo Dick Trenchard ayaa ka digay in Kumanaan ay qarka u saran yihiin geeri, oo ay waajahayaan cunno yaraan daran, waxaanuu ku baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro dadkaas.




From the comments