Xaakim Maraykan ah oo ku sugan magaalada Setela ayaa soo saaray go’aan si kumeel gaar ah loo qaadayo xanibaaddii uu ku soo rogay maaxweyne Trump todobo dal oo badankoodu ay yihiin Muslimiin.
Xaakimka James Ruberte ayaa diiday is hor istaagid ka timid qareenno u dhashay dalka Maraykanka kaasoo lagu filinayo qo’aankii madaxweyne Donald Trumo.
Tallaabadaan ayaa keentay inay isku soo baxaan dibadbaxyaal tadobaadkii la soo dhaafay ,wasaaradda arrimaha debadda waddanka maraykanka ayaa sheegtay in 60 kun oo viza ah lala laabtay tan iyo markii uu soo baxay go’aanka madaxweynaha.




From the comments