Magacyada Sideedda Musharrax Ee Maanta Jeedinaya Khudbadahooda

Maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa in xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay khudbado ka dhageystaan 8 musharrax kale oo kamid ah 24-ka musharrax ee u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Musharraxiinta maanta khudbadda jeedin doona ayaa baarlamaanka u sharaxaya qorshahooda siyaasadeed, iyo sidoo kale nidaamka ay doonayaan in dalka ay ku maamulaan haddii ay guuleystaan.
Musharraxiinta khudbad jeedinta maanta leh ayaa kala ah:
- C/naasir Cabdulle Maxamed
- C/raxmaan C/shakuur Warsame
- C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
- C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)
- C/laahi Cali Xasan
- C/laahi Ciilmooge Xirsi
- C/qaadir Cosoble Cali
- Cali Xaaji Warsame
Maalinta berri ah ayeey ku egtahay khudbad jeedinta musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana haddii maanta xubnahay khudbeeyaan kaliya hari doona 8-musharrax.
Arbacada soo socota ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha dalka ay ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana xilkaasi u taagan 24 musharrax.
Goobjoog News