Wasiir Nuux Oo Kamid Noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka
Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Xasan Nuux ayaa maanta ku guuleystay kursiga beesha Jidle ee golaha shacabka kadib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.
Kursigan ayaa kamid ahaa kuraastii guddiga doorashada ay dib usoo celiyeen, waxaana horey loogu doortay Hirshabelle, balse ku celiska doorashada ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.
Waxaa kursigan u tartamayey 6 musharrax, Saddex kamid ah musharraxiintaasi ma aaney soo xaadirin goobta doorashada, Saddexdii timidna mid kamid ah waxa uu hoolka doorashada ka tagay inta aaney bilaaban doorashada, waxaana meesha isugu soo haray Wasiir Nuux iyo Hinda Maxamed Cumar oo tartanka doorashada wada galay.
Codadka sida loo kala helay:
Maxamed C/laahi Xasan Nuux waxa uu helay 43 cod
Hinda Maxamed Cumar waxa ay heshay 1 cod.
Doorashada ayaa kusoo dhammaatay jawi wanaagsan, iyadoo meel gabagabo ah ay marayaan dib u doorashada kuraastii lagu soo celiyey maamul goboleedyada.
Goobjoog News