Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadd Cadaaladda ICJ , kaasoo ay qaadatay ka dib fadhi ay ka yeelatay maalintii Khamiista aheyd iyadoo aqbashay inay kala saarto arrinta badda oo ay calaamayso xaduud badeedka u dhaxeeya labada waddan Soomaaliya iyo Kenya.
Axmed Abuu Geys oo ah xogheyaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu amaanay tallaabadaan muhiimka ah taasoo ay maxkamaddu ay ku xalinayso dacwadda u taagneed Somaaliya laga soo bailaabo bishii Augest sanadkii 2014kii si loo calaameeyo xaduudka ay badda Kenya ay kala leedahay badweynta Hindiya iyo in la xadido biyo goboleedka iyo meelaha ganacsiga ah uu waddan kasta uu leeyahy.
Axmed Abuu Qeys oo shir jaraaid qabtay maalintii jimcaha ayaa waxa uu tilmaamay, in labada dowladood ay waajib ku tahay Soomalia iyo Kenya inay ilaaliyaan sharciyada caalamiga ah si loo xalliyo khilaafka ka dhex taagan labada dowladood oo ku saabsan arrintaani badda ah, isagoo hoosta ka xariiqay in Soomaalia iyo Kenya ay yihiin labo dowladood oo darisa oo saaxiibo ah iskuna xira xariiro taariikhi ah ,isagoo ku adkeystay inay wanaajiyaan deris wanaagga,waxa uu cabiray rajadiisa ah in xilliga soo socda ay labada dal ay kordhin doonaan xagga horumarinta xariirada labo geesoodka ah oo u dhaxeeya labada dowladood,taasoo ay ka mid yihiin dhinaca xoojinta iskaashiga dhaqaalaha iyo in laga faaideysto ilahooda dabiiciga ah.




From the comments