Goobjoog

Khudbadaha Musharraxiinta Madaxweyne Oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo dhageysiga khudbadaha musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxayna xilhibaannada dhageysan doonaan 8-da musharrax ee ugu dambeysa. Waxaa horey u…

Khudbadaha Musharraxiinta Madaxweyne Oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo dhageysiga khudbadaha musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxayna xilhibaannada dhageysan doonaan 8-da musharrax ee ugu dambeysa.

Waxaa horey u khudbeeyey 14 musharrax, iyadoo maantana musharrax walbo uu fursad u heli doono in xildhibaannada Labada aqal u gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed.

Musharraxiinta maanta hadli doona waxay kala yihiin:

1.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke

2.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow

3.Maxamed Axmed Jabarti

4.Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

5.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)

6.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

7.Maxamed C/risaaq

8. Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil

Maalinta Arbacada ah 8-da February 2017, ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News 

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments