Maxkamadda heer federaal ee racfaanka Mareykanka ayaa diidday codsi uga yimid wasaaradda cadaaladda si loo fasaxo amarkii madaxweyne Trump uu ku mamnuucay 7 dal oo Muslim ah, socdaalkooda dhanka Mareykanka.
Xukunka lagu hakiyay amarka madaxweyne Trump oo soo baxay Jimcihii ayaa isla Sabtidii wasaaradda cadaaladda Mareykanku ay racfaan ka qaadatay, si loo joojiyo dhaqan galka xukunka maxkamadda oo dhabar jab ku noqday madaxweyne Trump.
Maxkamadda racfaanka ayaa kaga jawaabtay diidmo codsigan oo dhanka xukuumadda Trump ay dooneysay in si degdeg ah loo joojiyo go’aanka maxkamadda Seattle ee lagu fasaxay socdaalka 7 dal.




From the comments