4 xildhibaan oo ka tirsan Labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.
Baarlamaanka Somaaliya oo maanta iskugu yimid kalfadhigii Koowaad kulankiisii 7aad ee wadajirka Labada gole, ayaa la filayaa iney maanta doortaan madaxweynaha 4 sano ee soo aaddan hogaaminaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ay soo xaadireen xildhibaanno gaaraya 324, ayaa markii uu kulanku furmay waxaa la dhaariyay Afar xildhibaan oo si toos ah uga mid noqday Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.




From the comments