Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in saakay ay howlgallo ka wadaan inta u dhaxeysa deegaannada Sarkuusta iyo Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, kaasi oo amniga lagu sugayo.
Wararka waxay sheegayaan in howlgalkaan uu daba socdo weerar ay habeenkii xalay ahaa Al-shabaab kusoo qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda oo fariisin ku lahaa duleedka Muqdisho, inkastoo khasaaraha weerarkaasi ka dhashay aan la caddeyn.
Ciidamada ayaa baaraya sida la sheegay xaafadaha ku yalla halkaasi, iyadoo weli aan lasoo sheegin in howlgalkaan dad lagu soo qabtay iyo in kale.




From the comments