Doorashada Madaxweynaha Oo Goor Dhow Bilaabatay

Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si toos ah waxay u bilaabeen codeynta doorashada madaxweynaha Soomaliya ee dalka hoggaamin doona Afarta Sano ee soo socota.
Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya iyo guddiga doorashada madaxweynaha ayaa bilaabay codeynta, waxaana wadarta guud ee xildhibaannada codeynaya gaarayaan 328 mudane.
Doorashada wareegga koowaad musharraxii keena 219 cod waxa uu toos ugu guuleysan doonaa doorashada madaxweynaha.
Wareegga Labaad waxaa usoo gudbi doona Afarta Musharrax ee ugu cod badan, haddii ay dhacdo in Labo musharrax codad siman keenaan Shantaasi musharrax si toos ah ayeey wareegga Labaad ugu soo gudbi doonaan.
Wareegga Saddexaad waxaa usoo gudbi doona Labada musharrax ee ugu codka badan, haddii kuwaasi oo cod Hal dheeri ah ku kala bixi doona.
Musharraxiinta tartameysa:
Shariif Sheekh Axmed
Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke
Maxamuud Maxamed Culusow
C/qaadir Cosoble Cali
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
Maxamed Cali Ameeriko
C/naasir Maxamed Cabdulle
Maxamed C/llaahi farmaajo
C/raxmaan C/shakuur Warsame
Jibriil Ibraahim Cabdulle
Cali Xaaji Warsame
Saciid C/llaahi Deni
Saciid Ciise Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud
Maxamed Axmed Jabarti
Maxamed Cabdirisaq
Cabdulahi Cali Axmed
Cabdulahi Cilmooge Xirsi
Bashiir Raage Shiiraar
Xaaji Maxamed Yaasin
Axmed Maxamed Cabdi
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News