Goor dhow waxaa furmay kulanka xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku dooranayaan madaxweynaha dalkan hoggaamin doona Afarta Sano ee soo socota, iyadoo musharraxiin gaaraya 21 ay ka qeybgalayaan tartanka doorashada.
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cisman Jawaari oo kulankan furay waxa uu sheegay iney soo xaadireen 328 mudane Hal xildhibaan oo kaliya uu ku maqan yahay xanuun, waxaana la dhaariyey 4 xildhibaan.
Doorashada wareegga koowaad musharraxii keena 219 cod waxa uu toos ugu guuleysan doonaa doorashada madaxweynaha.




From the comments