Natiijada Wareegga Koowaad Ee Doorashada Madaxweynaha

Goobjoog News, waxay idiin soo gudbineysaa natiijada wareegga Koowaad ee doorshada madaxweynaha iyadoo ay tartameen 21 mudane.
Hadaba waxaa jira musharraxiin aan helin cod, iyo kuwo helay, waxayna natiijada u kala heleen sidan:
Shariif Sheekh Axmed waxa uu helay 49 cod
Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke waxa uu helay 37 cod
Maxamuud Maxamed Culusow waxbo ma helin
C/qaadir Cosoble Cali waxa uu helay 25 cod
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) waxa uu hely 2 cod
Maxamed Cali Ameeriko waxbo ma helin
C/naasir Cabdulle Maxamed waxa uu helay 6 cod
Maxamed C/llaahi farmaajo waxa uu helay 72 cod
C/raxmaan C/shakuur Warsame waxa uu helay 9 cod
Jibriil Ibraahim Cabdulle waxa uu helay 1 cod
Cali Xaaji Warsame waxa uu helay 3 cod
Saciid C/llaahi Deni 18 cod
Saciid Ciise Maxamuud waxa uu helay Hal cod
Xasan Sheekh Maxamuud 88 cod
Maxamed Axmed Jabarti waxa uu helay 1 cod
Maxamed Cabdirisaq waxbo ma helin
Cabdulahi Cali Axmed waxa uu helay 14 cod
Cabdulahi Cilmooge Xirsi waxbo ma aanu helin
Bashiir Raage Shiiraar waxbo ma aanu helin
Xaaji Maxamed Yaasin waxa uu helay 2 cod
Axmed Maxamed Cabdi waxbo ma helin.
Waxaa codeysay 328 xildhibaan, waxaana halaabay Hal cod, waxaana wareegga Labaad usoo baxaya Afarta musharrax ee ugu codka badan.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco waararkeena kale
Goobjoog News