Warar dheeraad ah ayaa laga helaya madaafiic habeenkii xalay ahaa kusoo dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Madaafiicdan ayaa lasoo sheegayaa iney ahaayeen Hoobiyeyaal, waxaana la sheegay iney ku dhaceen meello ku dhow Garoonka Aadan Cadde iyo nawaaxiga halka la qorsheeyey in doorashada ay ka dhacdo.
Lama oga khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashan, hase ahaatee waxaa sidoo kale la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada dowladda.




From the comments