Wasaaradda gaashaadhigga waddanka Mareykanka ayaa sheegtay iney dileen ciidamada Maraykanka 11 dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-qaacida duqeymo ay ka geesteen meel u dhow magaalada Idlib ee waddanka Syria.
Dadka la diley, waxaa ku jira 11 kaan ka tirsan Al-qaacida xubin sare oo xariir lalahaa hogaamiyihii hore ee Al-qaacida Usama Bin laadin iyo hogaamiyaal kale oo waaweyn oo ka tirsan isla Ururka.
Wasaaradda ayaa waxay intaas ku dartay in duqeyn ay geesteen diyaaradaha Doroneska ee Maraykanka uu ku dhintay Abuu Haani oo ahaa kormeere Al-qaacida u qaabilsanaa dhisidda xeryaha tobabarada ku yaallo waddanka Afhanistaan .




From the comments