U bood dhigaalka

Tarsan “Umadda Soomaaliyeed Rajadeeda Dib Bay Usoo Laabatay”

Sheeko:Dalka

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo kamid ahaa musharraxiintii u tartamayey xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa isaga oo u waramayey Goobjoog News, waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed hadda u baryay waa cusub oo muddo ay sugayeen.

Waxa uu sheegay in ka shaqsi ahaan uu ku faraxsan yahay doorashadii xalay ee Madaxweyne loogu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Tarsan ayaa tilmaamay in Afarta Sano ee soo socota ay ka dhigan tahay in dalka nuur u ifay, isaga oo ugu baaqay madaxweynaha la doortey in dalkaan isbedal dhab ah ka hirgeliyo.

Dhanka kale Tarsan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in sida ay hadda u taageereen Farmaajo ugu istaagaan iney la shaqeeyaan dowladda uu soo dhisi doono.

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa habeenkii xalay ahaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii xildhibaanno gaarayey 184 ay codka siiyeen.

Goobjoog News